Somalia: Maxaa looga hadli doonaa kulanka beri ee xildhibaanada golaha shacabka ?

34

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo uu ka mid yahay go’aankii  ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa dhiibistii Qalbi-dhagax.

Guddiga ayaa isku raacay in go’aanka xukuumadda laga dhigo waxyaabaha ugu horeeya ee looga hadli doono fadhiyada guud ee Golaha shacabka.

Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo kulanka kadib warbahinta la hadlay ayaa sheegay kulanka Sabtida soo aadan oo kulamada Baarlamaanka ay furmayaan in looga hadli doono go’aankii ka soo baxay Xukuumadda.

“Waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah waxaase ugu muhiimsaneyd go’aankii ka soo baxay Xukuumadda oo ku saabsanaa arrinta Sarkaalka ONLF, ee lagu wareejiyay Itoobiya, Ajandaha kaas ayuu noqonayaa kulanka Sabtida.” Ayuu yiri C/kariin Buux.

Kulankan oo ahaa midkii 11-aad, islamarkaana uu goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalle Cawad, ayaa sidoo kale looga hadlay axdi ku saabsan Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India.

Comments