Somalia: Maxaa kusoo kordhay olalaha doorasho ee ka socdo magaalada Jowhar

26

Waxaa sii xoogeysanaya olalaha doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo ka socdo magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle.

Sanad ka hor waxaa muuqata inuu isbadal ka jiro tirada musharixiinta dooneysa inay u tartamaan xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, iyadoo boorar badan ay ku dhagsadeen magaalada Jowhar.

Kaliya hal beel ayaa ku tartami karta kursugaasi oo ah beesha uu kasoo jeedo madaxweynihii waayay codka kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Cabdi Faarax Laqanyo oo soo noqday guddoomiyaal  gobolka Hiiraan ayaa kamid ah musharixiinta tartameysa, waxaa sidoo kale ka mid ah Maxamed Cabdi Waare oo sanadkii hore wareegii u dambeeyay la yimid Cali Cabdulaahi Cosoble.

Waare, ayaa ah nin ka shaqeeyaa ururada arimaha bulshada, waxaana sanadkii hore  uu la kulmay caqabad kaga timid madaxdii hore ee dalka.

Illaa hadda lama saadaalin karo cida noqonaysa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle balse waxaa lagu kala bixi doonaa marka ay xildhibaanada u codeeyaan maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 12ka bisha September 2017.

Comments