Somalia: Maxay tahay aragtida shacabka ee Go’aankii Xukuumadda ?

32

Qaar kamid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan go’aankii shalay kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Qaarkood oo la hadlay Midnimo Online ayaa sheegay in go’aan xukuumadda aysan marnaba ku tilmaameyn sax iyo qalad balse ay ka war sugayaan go’aanka xildhibaanada ay qaadan doonaan.

Waxay sheegeen in xukuumadda intabadan ay ku dhawaaqdo inay matasho shacabka, sidoo kalana baarlamaanka uu matalo shacabka, ayna haboon tahay in iyaga ay go’aan ka sugayaan.

Qaarkood ayaa sheegay in xukuumadda ay qaadatay go’aan ay aragtay inuu maslaxad ugu jiro dalka Soomaaliya, balse ay sugayaan go’aanka golaha shacabka ay arintaan ka qaadan doonaan.

Xildhibaano badan oo ka tirsan labada aqal ayaa durbaba shaaciyay inay ka xumaadeen go’aanka xukuumadda Soomaaliya.

Comments