Somalia: Al Shabaab oo weerar ka geystay gudaha dalka Kenya [Akhriso]

Kooxo hubeysan oo la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa xalay weerar ka geystay deegaan ku dhow magaalada Mandheera ee dalka Kenya, iyaga oo burburiyay xarun isgaarsiineed iyo Hool lagu shiro oo ku taalay deegaanka Dabacity ee duleedka magaalada Mandheere.

Ma jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarka marka laga yimaado burburka ay geysteen kooxaha hubeysan ee weerarka ka dambeeyay.

Ciidamada booliska dalka Kenya saraakiil u hadashay ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay durba goobta ka baxsadeen markii weerarka ay geysteen kadib.

Weerarka ayaa yimid labo maalin kadib markii  xubno ka tirsan Alshabaab ay dileen labo kamid ah ciidamada meletariga Kenya kadib weerar ka dhacay deegaanka Damasa.

Horaantii bishaan ayay aheyd markii inka badan 50 dagaal yahan oo katirsan Al shabaab ay labo weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada booliska ku sugnaayeen iyo xarun isgaarsiin oo ku taala deegaanka Lafey oo ka tirsan magaalada Mandheera.

Isla weerarkaasi ayaana lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kenya halka kuwo kale lagu dhaawacay.

Guddoomiyaha gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya Maxamuud Saalax ayaa sheegay in seddex koox ay ahaayeen kuwa weerarada kala duwan ka geystay gobolka waqooyi bari dalkaasi Kenya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.