Somalia: Shirkadda Bancroft oo ka hadashay doorka weerarkii bariire ku lahayd

Shirkadda Bancraft oo laga leeyahay dalka Mareykanka oo heshiis amni kula jirto maamulka Koofur Galbeed ayaa ka hadashay eedeyn ku aadan inay door ku lahaayeen weerarkii ka dhacay Bariire.

Qoraal kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay inaysan wax door ah ku laheyn weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

War ka soo baxay Xafiiska Bancroft ee Soomaaliya ayaa lagu Yiri “ waxaaan Aqrinay Maqaalo iyo Warar ku sababsan Howlagaalo Military oo ay ka dhalatay Geeridda dad shacab ah, oo ay caruur ku jiraan aad ayaana uga Naxnay nafta luntay”.

Qoraalka wuxuu ka dambeeyay kadib markii aalaha dad ku xiriiraan lagu hadal hayay saacadihii ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire oo dad shacab ah ku dhinteen.

Shirkadda waxaa ay shaaca Ka qaaday in ay leedahay Saqaale a AMISOM iyo Danab kala shaqeeya Howlgaladooda. “ Majirin Ciidamo AMISOM ah iyo Shaqaale Bancroft ka tirsan oo Howlagalka kaqeeyb Qaatay” ayaa sidoo kale lagu sheegay Warka ay Soosaartay Shirkadda Latalinta iyo Saanadda ka saacidda AMISOM iyo Danab ee Bancroft.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.