Cabdirashiid M. C/laahi: Dadka Bariire lagu dilay weey Hubeeysnaayeen-Dhagayso

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degaan u dhow Bariire maanta ay fuliyeen ciidamada dawladda.

Hawlgalkaasi ayaa saraakiishu xaqiijiyeen inay ku dhinteen 10 qof. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in ciidanka dilka gaystay ay ka tirsanaayeen shirkadda Bancroft, hase yeeshee waxaa taasi beeniyey wasiirka gaashaandhigga.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inay dadkaasi hubaysnaayeen isla markaana ay rasaas fureen.

Halkaan ka dhagayso wareysi uu siiyay VOA-da:

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.