Somalia: Baarlamaanka Galmudug oo ka hor yimid dalabkii Mr Xaaf

Ka dib markii Madaxweynaha Galmudug uu shalay xildhibaanada Baarlamaankaasi uu ka codsaday in loo ansixiyo in uu soo celiyo Wasiiraddii uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa arintaasi waxaa ka hor yimid Xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanada ayaa badankood diiday arintaasi waxaana ay ka codsadeen Madaxweynaha in uu soo magacaabo Wasiiro cusub.

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa Risaala u sheegay in Madaxweynaha laga diiday codsigaasi,islamarkaana laga doonaayo in uu dhiso wasiiro cusub.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Galmudug uu isbadel ka dhaco,islamarkaana loo baahan yahay wasiiro wax u qaban kara Shacabka Galmudug.

                                                                    Axmed Ducaale madaxweynaha Galmudug

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.