Somalia :Xildhibaanada aqalka sare oo maanta kulan yeelanaya [Akhriso]

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanay xarunta ay ku shiraan oo ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa ujeedadiisa tahay inay akhrinta koowaad ka dhageystay sharciga isgaarsiinta dalka oo dhawaan xildhibaanada golaha shacabka ay ansixiyeen.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa lagu wargeliyay inay yimaadaan kulanka maanta oo ah mid akhrinta koowaad la marsiin doono hindise sharciyeedka isgaarsiinta dalka/

Sharciga oo diyaarintiisa waqti badan la geliyay ayaa waxaa ansixiyay xildhibaanada golaha shacabka, waxaana sharci walbaa oo ay ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka loosoo gudbiyaa xildhibaanada aqalka sare.

Waxay awood u leeyihiin haddii ay u arkaan inuu dan ugu jirin dalka inay ku celiyeen wasaarada soo diyaarisay iyo xildhibaanada golaha shacabka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.