Somalia : Maxay tahay sababta Guddoomiyaha baarlamaanka loogu yeeray Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay afhayeenka baarlamaanka Hirshabeelle, kadib markii wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya ay gaareen magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo wasiirka amniga Maxamed Islow Ducaale, ayaa magaalada Jowhar kulamo kula qaatay madaxweynihii xilka laga qaaday iyo ku simaha madaxweynaha.

Sidoo kale waxay magaalada Jowhar kula kulmeen odayaasha dhaqanka , xildhibaanada mooshinka keenay iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

Dhamaantood ayaana loogu baaqay inay ka shaqeeyaan xasiloonida deegaanada Hirshabeelle, sida uu qoraal ku sheegeen wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya iyo wasiirka arimaha gudaha.

Sababta ka dambeysay in magaalada Muqdisho loogu yeero guddoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu sheegay inay tahay in su’aalo laga weydiinayo xiisadda taagan iyo sida ugu sahlan ee lagu xalin karo.

Hirshabeelle ayaa dooneysa inay yeelato hogaamiye cusub, waxaana madaxweynaha waayay kalsoonida xildhibaanada uu ku sugan yahay magaalada Jowhar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu magaalada Muqdisho kaga qeyb galayo shir guddoomiyaasha baarlamaanka maamul goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.