Somalia: Dowladda oo ku celisay kordhinta shaqaaleysiinta dhalinyarada

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku celisay markale in shaqo abuur loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ka qaadan doonto xasilinta dalka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Yariisow, oo saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay wadaan qorshihii shaqo abuurka loogu sameyn lahaa dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Qorshaha ugu sahlan ee ay xukuumadda Soomaaliya waddo ayuu ku sheegay inay tahay inay shaqaaleysiin doonaan oo xarumaha dowladda laga diiwaan gelin doono dhalinyaro Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ka ah qorshaha shaqaaleysiinta dhalinyarada.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda qorsheynta ay waddo dadaallo lagu shaqaaleysiinaayo dhalinyaro ka badan 2000 kun.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay waajib tahay in la shaqaaleysiiyo dhalinyaradda kunool Soomaaliya, waxaana uu maalintii dhalinyarada balan qaaday in 1000 dhalinyaro ah la shaqaaleysiinayo.

Eng C/raxmaan Cumar Yariisow Wasiirka warfaafinta Soomaaliya
                               Eng C/raxmaan Cumar Yariisow Wasiirka warfaafinta Soomaaliya

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.