Somalia :Maxaa sababay in Puntland xiriirka u jarto dowladda Qatar?

Soomaaliya waxaa ka jiro dowlad goboleedyo badan oo u dhaqmaya inay ka awood badan yihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya oo kale.

Waxyaabaha dowladd goboleedyada aysan ka hadli karin waxaa kamid ah arrimaha dibadda, Gaashaandhiga iyo qodobo kale oo uu dastuurka dalka cadeynayo.

Laakiin waxaa muuqato in maamulka Puntland uu jibinayo dhamaan qodobada dastuurka dalka uu dhigayo, waana tan keentay inay ku dhawaaqaan inay xiriirka u jareen dowladda Qatar.

Waxyaabaha kale ee keenay in Puntland ay arintaasi ku dhawaaqdo waxaa kamid ah in Imaaraatka carabta bil walbaa dhaqaalaha Puntland ku kabaa 30 Milyan oo doolar oo loo qorsheeyo ciidamada Puntland.

Sidoo kale Imaaraatka ayaa hadda dhisayo dekadda magaalada Boosaaso iyo goobo kale oo muhiim u ah Puntland, taasi oo keeni karta inay ku badashaan xiriir u jarida Qatar.

Akhriso qoraalka Puntland.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.