Somalia: Khilaaf cusub oo ka dhex curtay xildhibaanada Koofur Galbeed

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ka soo horjeesteen eedeyn wax qabasho la’aan ah oo loo jeediyay Madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan sheekh Aadan.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen inaan loo baahneyn dacaayad, iyo warar been abuur ah, Koonfur Galbeedna aanay xilligan u baahneyn qal qal gelin, oo ay heysato iyo amni iyo in ay hormar ku talaabsatay.

Waxa ay sheegeen xildhibaanada Koonfur Galbeed, Wasiirada iyo madaxda sare in ay mar walba ka shaqeeyaan hormarka iyo deganaanshaha Koonfur Galbeed, si taasi loo sii wadana aanan loo baahneyn fowdo.

Maalmo ka hor Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed, waxay Shariif Xasan Sheekh Aadan ku eedeeyeen waxqabad la’an iyo in uu mugdi geliyay Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhowaan waxa uu Golihiisa Wasiirada ku sameeyay isku shaandheyn, ayaa waxaa jiray xildhibaano Koonfur Galbeed ah oo saluugsanaa hanaanka isku shaandheynta.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.