Somalia :Xildhibaanadii riday Cosoble oo guddi doorasho sameynaya [Sawirro]

Wararka naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle ay kulan ku leeyihiin xarunta xildhibaanada ay ku shiraan.

Xildhibaanada kulanka leh ayaa ah xildhibaanadii xilka ka qaaday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, kuwaasi oo doonaya inay doortaan guddiga doorashada ee madaxweynaha.

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Cismaan Barre  oo isagana xildhibaanada taageersan Cali Cosoble ay xil ka qaadista ku sameeyeen ayaa shir guddoominaya kulanka xildhibaanada ay ku leeyihiin magaalada Jowhar.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle oo aan la hadalnay ayaa sheegay in maanta ay dooran doonaan guddiga doorashada madaxweynaha maamulkaasi HirShabelle.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay ku dhawaaqaan xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Hadda waxaa magaalada Jowhar ka taagan kala qeybsanaanta xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxda maamulkaasi.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.