Somalia :Puntland oo ku baaqday in lala shaqeeyo ciidamada isku dhafka ah

57

Madaxweyne ku xigaanka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay gaba gabo in uu marayo qalabeynta Ciidamada isku dhafka ah ee loo sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay Ciidamada isku dhafka in hada lagu wareejiyay Gawaari ay ku shaqeeyaan, sidoo kalena ay bilaabeen shaqadoodii rasmiga aheyd ee nabadeynta magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale C/xakiin Camey ayaa labada maamul iyo labada shacab ee Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada loo sameeyay in ay ka shaqeeyaan nabada Gaalkacyo, si aysan u soo laaban colaad dambe.

C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay isku keeni doonaan waxgaradka labada dhinac si ay hoggaan ugu noqdaan Nabada iyo wada noolaanshaha.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland, Camey wuxu sidoo kale tilmaamay in labada ciidan looga fadhiyo inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo helo Gaalkacyo oo amni lagu wada degan yahay.

Maamulka Puntland ayaa bixinaya mushaarka Saddexda bilood ee ugu horreysa Ciidamada isku dhafka ah ee Magaalada Gaalkacyo amnigeeda sugaya, sida uu sheegay C/xakiin Camey.

Comments