Somalia :Xildhibaanada aqalka sare oo dooranaya xubin cusub

55

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku yeelanaya xarunta ay ku shiraan oo ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Shirka xildhibaanada ayaa salka ku haya sidii ay u dooran lahaayeen ruuxii badali lahaa C/raxmaan Faroole oo dhawaan iska casilay xilka uu ka hayay guddiga dastuurka ee labada aqal.

Guddiga la socodka dib u eegista dastuurka ayaa dhawaan yeeshay guddoomiye, waxaana loo doortay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Xubnaha guddiga Dib ueegista dastuurka ayaa waxaa horyaalo shaqooyin badan oo ay ka mid tahay wax kabadalida dastuurka.

Lasoco waxii kusoo kordhaa insha allah.

 

Comments