Somalia :Shir ku saabsan xalka Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ka socdo

Shir gaar ah oo u dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha dalka, madaxweynaha Koofur Galbeed iyo saraakiil ka tirsan NISA ayaa ka socdo magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulaahi  Maxamed, ayaa sidoo kale goobjoog ka ah kulanka, maadaama uu Abuu Mansuur kasoo kaxeeyay degmada Xudur islamarkaana ay isku deegaan yihiin.

Kulanka ayaa looga arinsanayaa sida laga yeelanayo Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hadda ku xiran dhismaha guriga Habar Khadiijo ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaanan la ogeyn waxyaabaha ay madaxda kasoo saari doonaan, waxaana laga hadlayaa mustaqbalka Abuu Mansuur iyo masiirigiisa dhanka siyaasadda.

Warbaahinta looma sheegin halka uu ku xiran yahay, balse waxaa la filayaa in saxaafadda loosoo bandhigo marka uu ka tanaasulayo ama uu xaqiijinayo ka bixitaankiisa Al Shabaab.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.