Somalia :Maxay tahay ujeedada Faroole uu u gaaray Kismaayo

Madaxweynihii hore ee Puntland Senetor C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Safarka C/raxmaan Faroole ee Kismaayo ayaa yeelanayo micno badan, waxaana Faroole dhawaan uu iska casilay xilka xubin ka tirsan guddiga dastuurka baarlamaanka labada aqal, kadib markii dorasho looga guuleystay.

Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo dhaweeyay magaalada Kismaayo,wuxuuna sheegay in Faroole uu doorweyn ku lahaa dhismaha maamulka Jubbaland.

Ujeedada Faroole uu u tagay magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegayaa inay tahay sidii uu xiriir ula yeelan lahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inay Faroole kusoo dhaweeyeen Kismaayo, maadaama uu kamid ahaa dadkii sababta u ahaa dhismaha maamulka Jubbaland.

Lama oga inay halkaasi doonayaan inay ka sameeyaan isbaheysi siyaasadeed cusub.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.