Somalia :Kheyre oo Taabid ku amray shaqaaleysiinta 1000 dhalinyaro ah

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo si toos ah looga tabinayay qaar kamid ah TV-yada Soomaalida ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya oo ay hogaamiso Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xasan Cali Kheyre, oo khubad qiiro leh ka jeediyay goobta ayaa ku dheeraaday ka hadlida dhibaatooyinka ay qabaan dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay muhiimadda inay tahay in shaqo abuur loo sameeyaa.

Wuxuu mar qura jeediyay hadal ay ku farxaan dhamaan dhalinyaradii goobta ku sugneyd, kaasi oo ahaa inuu farayo guddoomiyaha gobolka Banaadir inuu shaqaaleysiiyo dhalinyaro gaareyso 1000 ruux.

Dhamaan dadkii goobta ku sugnaa ayaa mar qura u wada istaagay ra’iisul wasaaraha dalka, balse waxaa is weydiin leh sidii dhalinyaradaasi loo shaqaaleysiin doonaa.

Arimaha kale ee u baahan in laga fakaro ayaa ah dhaqaalaha ay qaadan doonaan dhalinyarada iyo waxyaabaha ay qaban doonaan oo ay kusoo kordhin karaan dalka Soomaaliya.

Right Mogadishu Mayor, left Somalia Prime Minister Kheyre

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.