Somalia :Guddiga difaaca Baarlamaanka oo la kulmay wasiirka gaashaandhiga S/Africa

Kulan u dhaxeeyay guddiga difaaca baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo wasiirka gaashaandhiga dalka Koonfur Africa ayaa ka dhacay magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Africa.

Kulanka waxaa sidoo kale ku sugnaa taliyaha ciidamada difaaca dalkaasi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Koonfur Africa.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen arimaha difaaca iyo taageerada ciidamada xooga dalka Soomaaliya, sida xubno guddiga difaaca ka tirsan ay inoo sheegeen.

Koonfur Africa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidamo iyo saraakiil boolis ah, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya

Hoos ka daawo sawirada

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.