Somalia :Xildhibaanada Hirshabeelle oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Jowhar

0
7

Ku dhawaad 10 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Hirshabeele ayaa shir gaar ah ku yeeshay magaalada Jowhar, shirkaasi oo ah mid looga soo horjeedo madaxweynaha HirShabeele.

Shirka xildhibaanada oo saacado socday warbaahintana dibad joog ka aheyd, ayaa markuu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay qaar kamid ah xildhibaanada shirka gaarka ah yeeshay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in shirkooda ay kaga hadleen sidii isla xisaabtan dhab ah  uu u dhexmari lahaa xildhibaanada Hirshabeele iyo madaxweynaha ay doorteen.

Waxaa ku jiray xildhibaanada kulmay xildhibaano maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho oo waday abaabulka mooshin ka dhan ah Cali Cabdulaahi Cosoble madaxweynaha Hirshabeele.

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa culeesyo badan kala kulmay waxgaradka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo xildhibaanada matalaya labadaasi gobol.

Waxii ka dambeeyay markii uu degmooyin cusub u magacaabay gobolka Hiiraan waxaa sii kordhay culeeska uu la kulmayo madaxweynaha Hirshabeelle.

Share Your Comments