Somalia :Xildhibaanada Aqalka sare oo maanta kulan yeelanaya [Akhriso]

60

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda oo ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa maanta warbixin ka dhageysanaya guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dalka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka ayaa todobaadkii hore hortagay xildhibaanada golaha shacabka ee dowladda, waxayna u gudbiyeen warbixino dhowr ah oo la xiriirta waxyaabaha u qabsoomay.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa maalmo ka hor dhageystay guddiyo kala duwan oo aqalka uu leeyahay iyo waxyaabaha ay qaban doonaan.

Guddiga doorashooyinka waxaa horyaalo shaqooyin badan, waxayna dhawaan soo bandhigeen qaabab kala duwan oo doorashada ay ku dhici karto sanadka 2021.

La soco waxii kusoo kordhaa shirkaa Insha allah.

Comments