Somalia :Walaaca Soomaalida ka qabto aadista Xajka oo sii kordhayo

0
2

Waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayaa sawir muujinayo lacagaha xajka lagu aado sanad walbaa, iyadoo is barbardhig lagu sameeyay Soomaaliya iyo dalalka kale ee caalamka.

Tusaalaha dhow ee lasoo qaatay ayaa ahaa lacagaha xajka aaditaankiisa looga qaado xujeyda ka baxeyso Jabuuti iyo Sudan oo si weyn kaga yar lacagaha laga qaado xujeyda Soomaaliyeed.

Lacagaha Soomaalida laga qaado marka xajka ay aadayaan ayaa ka badan 3000 oo doolar halka xujeyda Jabuuti iyo sudan laga qaado lacag ka yar 1000 doolar.

Sawirka ayaa muujinaya sida Soomaalida ay kaga walaacsan yihiin lacagaha badan ee laga qaadayo xujeyda Soomaaliyeed.

Lacagahaasi ayaa lagu sheegaa inay yihiin lacagta xujeyda ay ku tagayaan dalkaasi ayna kusoo laabanayaan.

Share Your Comments