Somalia :Siduu gudaha ugu galay ruuxii isku qarxiyay xarunta xabsiga dhexe

41

Baaritaano ayaa wali socdo oo ay wadaan saraakiisha amaanka ee dowladda Soomaaliya, waxaana soo baxaya warar hordhac ah oo ku aadan sida ruuxii is qarxiyay shalay uu gudaha ugu galay xarunta xabsiga dhexe.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in ruuxa isqarxiyay uu kamid ahaa ciidamada asluubta ee ka shaqeeya xabsiga dhexe ee Xamar, laakiin saraakiisha dowladda wali sidaasi ma aysan xaqiijin.

Da’ ahaan ruuxa is qarxiyay ayaa lagu qiyaasay 20 ilaa 24 sano jir, wuxuuna doonayay inuu hab siiyaa taliyaha ciidamada asluubta kadibna uu isku qarxiyaa.

Balse ma aysan dhicin oo askari kamid ah ilaalada taliyaha ayaa kala tuuray ruuxa isku xiray wayxaabaha qarxa, xili ay ku sugnaayeen barxada salaan qaadashada ee xabsiga dhexe.

Laamaha amaanka ayaa askar badan u xiray falkaan, kuwaasi oo badankood ka howlgalayay xarunta xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo baaritaano ay ku socdaan.

Saraakiisha xabsiga dhexe ayaa dhankooda inoo sheegay inay shaki badan abuurtay sida sahlan ee ruuxaasi uu isku qarxiyay, laakiin baaritaanada kadib ay wax walbaa soo bixi doonaan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Comments