Somalia :Gobolka Banaadir oo furay waddo muhiim ah oo muddo xirneyd

65

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in dib loo furaa waddo isku xirto isgosyada Shaqaalaha iyo KPP oo muddo badan xirneyd.

Dhismaha wadadaasi waxaa horey u daahfuray madaxweyne hore Xasan Sheikh Maxamuud iyo guddoomiyihii gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wadadaasi oo dhisneyd ayaa u xirneyd sababo dhanka amaanka ah, walow qeybo kamid ah wadadaasi la adeegsan jiray, iyadoo marka loosoo dhawaado Shaqaalaha laga leexan jiray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed iyo wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa daah furay wadadaasi, waxayna sheegeen in maanta waxii ka dambeeyo la adeegsan karo wadadaasi.

Wadada ayaa muhiim u aheyd dadweynaha, waxaana marka mashquul daran uu ku yimaado Maka Al Mukarama u sahlanaan jirtay gaadiidka inay dhanka Hoose ee KPP u degtaan.

Waxaa wali jiro waddooyin kale oo sababo amaan u xiran, iyadoo gaadiidleyda gobolka ay ka dalbadeen wasiirka amniga iyo guddoomiyaha gobolka inay furaan waddooyinkaasi kale.

Comments