Somalia :AMISOM oo 1000 askari u tababareyso HirShabeelle [Sabab]

71

Howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya ayaa  sheegay inay hergilin doonaan waji cusub oo tababar lagu siinayo ciidamo ka mid ah booliska Hirshabeelle.

Ciidamada tababarka la siinayo oo gaarayo 1000 ayaa 600 kamid ah waxay ka imaanayaa gobolka Hiiraan halka 400 ay ka imaan doonaan Shabeelaha Dhexe.

Chikunguru Maxwell, oo kamid ah saraakiisha AMISOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada, Qalabeynta iyo dib u dhiska saldhiyada booliska, si ciidamada booliska Soomaaliyeed ay guulo u gaaraan.

Tababarka ayaa ah kordhinta xirfadaha ciidamada booliska si ay u xaqiijiyaan amaanka shacabka Soomaaliyeed, sida AMISOM ay sheegtay.

AMISOM ayaa tababaro badan siisay ciidamada dowladda Soomaaliya ee booliska, waxaana ciidamo boolis ah oo ka socdo dalal ku yaal Africa ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya.

Comments