Somalia :Maxaa ka dhalan karo go’aanka Fahad uu Mas’uuliyiinta uga rarayo Madaxtooyada

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa warqad uu soo saaray ku amray dhamaan dadka dagan dhismaha madaxtooyada in ay iskaga guuraan.

Fahad, amarka uu soo saaray kuma cadda cidda ay sida gaarka ah u quseyso warqadda, balse madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa dagan mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay qayb ka yihiin wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidan.

Inta badan mas’uuliyiinta dagan ayaa u door biday amni ahaan halkaasi waxa ayna tahay meel uu si aad ah amaankeeda u sareeyo.

Maxaa ka dhallan kara go’aanka Fahad Xaaji Yaasiin.

Waxa uu sababi doona go’aankaasi in uu yimaado khilaaf soo kala dhex gala mas’uuliyiinta dowladda ee dagan gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo qaarkood dagan xarunta madaxtooyada ayaa ka caroor karo go’aanka waxa ayna sababi kartaa in uu yimaado olole ka dhan ah Fahad Yaasiin.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa qayb ka noqonayo xubnaha uu go’aanka saameynta uu ku yeelanayo.

Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kamid ah xubnaha uu go’aankan quseeyo maadama warqadda uu fahad qoray uusan ku cadayn cid gaar ah.

Ugu danbeyn qorshahaan ayaan la ogeyn sida uu u fuli doono maadama mas’uuliyiinta qaar ay galangal xoogan ku leeyihiin dowladda Soomaaliya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.