Somalia :Dowladda Qatar oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Muqdisho

0
2

Dowladda Qatar ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay xarunta xabsiga dhexe ee Xamar, kaasi oo khasaaro kooban geystay.

Ujeedada Qaraxa ayaa ahaa mid lala damacsanaa taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, walow la sheegay inuu ka badbaaday.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar war qoraal ah oo ka soo baxay waxaa lagu sheegay in ay si aad ah u cambaareyneyso weerarkaasi, waxayna sheegtay weerarkan in uu ahaa mid Argagixisanimo, maadaama lagu qaaday Masjidka oo cibaadada Alle ay ku gutaan dadka islaamka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku celisay sida ay ula socoto Jamhuuriyadda Soomaaliya dhammaan tallaabooyinka loo qaaday si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida, waxaa sidoo kale qoraalkan lagu muujiyay rabitaanka Qatar ee ah in si deg-deg ah loo kabo dhibbanayaasha dhaawacmay.

“Qatar marna uma dulqaadaneyso rabshadaha iyo Argagixisanimada laga geysto Soomaaliya gaar ahaan goobaha cibaadada iyo meelaha ay isugu yimaadaan dadka raydika ah, waxaana mar walba garab taaganahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”. Ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka ka soo baxay Qatar.

Ugu dambeyntii Dowladda Qatar ayaa sheegtay Xukuumadda Soomaaliya iyo Ehelada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi in ay uga tacsiyadeyneyso, waxayna shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in ay mar walba la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.

Share Your Comments