Somalia :Qarax ka dhacay gudaha xerada ciidamada asluubta ee Muqdisho

Qarax uu fuliyay ruux isku xiray waxyaabaha Qarxa ayaa ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Shaqsiga isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo an la ogeyn sida uu ku soo galay gudaha xabsiga ayaa ku qarxay masjid ku yaal gudaha xabsiga oo ay ku sugnaayeen dad xiligaa doonayay in ay ku tukadaan salaadda Jimcaha.

Wararka qaar ayaa sheegayo in ruuxa qaraxa fuliyay uu doonayay in uu isku qarxiyo taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo xiligaa goobta ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku geeriyooday oo midkooda uu ka tirsana ilaalada taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, halka 6 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Wararka ayaa sheegaya in shaqsiga qaraxa ka dambeeyay uu ka tirsanaa ciidamada asluubta, laakiin wali xaqiiqadiisa lama hayo.

Hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxa ka dhacay gudaha xabsiga dhexe.

Gabi ahaan waxaa la xiray wadooyinka xabsiga soo gala waxaana socdo baaritaano, mana jiraan wali dad loo qabtay qaraxa.

Waa markii ugu horeysay oo gudaha xabsiga dhexe uu ka dhaco qarax ismiidaamin ah oo lala eegto saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliyeed.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.