Somalia :Natiijada doorashada Kenya oo maanta lagu dhawaaqayo

94

Guddiga doorashooyinka dalka Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Jimco ah ku dhawaaqayaan natiijada doorashadii ka dhacday dalka Kenya.

Guddiga ayaa maalin ka hor sheegay inay natiijada shaacin doonaan todobad kadib doorashada, balse waxaa haatan muuqata in laga hormariyay qorshihii horey la damacsanaa.

Waxaa laga baqay todobaad kadib marka lagu dhawaaqo natiijada inay dhacaan banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhaca dalka Kenya, maadaama mucaaradka ay ka dhaga adeegayaan natiijada hordhaca ah.

Raila Odinga oo ahaa musharaxa kaliya ee la tartamayay Uhuru Kenyatta sida weyn loo saadaalinayay ayaa shacay sheegay inay iyaga ku guuleysteen doorashadii Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacday magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

Comments