Somalia :Ciidamada oo baadi goobayo ruux isqarxin rabay

0
2

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wali baadi goob ugu jiro ruuxii ka dambeeyay qaraxii xalay la dhigay wadada Maka Al Mukarama.

Ciidamada ayaa xalay ka war heley qaraxa la dhigay agagaarka carwada Al Kowther ee magaalada Muqdisho, waxaana ay xireen wadada, iyadoo dadka loo diidayay inay gaariga u dhawaadaan.

Ruuxa la doon doonayo ayaa ka cararay gaariga markii uu dhigay goobta uu ku qarxi doono, waxaana ciidamada ay ka shakiyeen cararka uu cararay ruuxa gaariga waday.

Kaamiradaha qarsoon oo ku xiran meel aan ka fogeyn goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa dib loo daawaday, waxaana ciidamada iyaga oo kaashanaya muuqaalka ay hayaan ay baadi goobayaan ruuxa qaraxa goobta dhigay.

Qaraxii xalay ayaa sababay burburka goobaha ganacsi ee u dhawaa, waxaana qasaaraha ka yareeyay xogta ciidamada ay heleen.

Wadada Maka Al Mukarama waxaa ka dhacay qaraxyo badan oo waxyeelo geystay, waxaana ciidamada ay ku jiraan feejignaan dheeri ah oo dhanka amaanka ah.

Share Your Comments