Somalia :Koofur Galbeed oo wasiir u dirtay Mukhtaar Roobow

0
4

Wararka ka imaanaya deegaanka Abaal ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in wasiirka amniga ee Koofur Galbeed ee wali baarlamaanka aysan ansixin loo diray deegaankaasi.

Wasiirka amniga ayaa shalay gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana ujeedadiisa tahay inuu la kulmaa saraakiisha Sheikh Mukhtaar Roobow ee la dagaalamay Al Shabaab.

Xasan Xuseen Maxamed “Eelaay” wasiir amniga ayaa gaaray deegaano ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana soo baxaya in loo wakiishay sidii uu Baydhabo ku geyn lahaa Abuu Mansuur.

Wasiirka ayaa saacadaha soo socdo la qorsheynayaa inay gaaraan deegaanka Baano oo ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Koofur Galbeed, halkaasi oo la qorsheynayo inay gaaraan ciidamada daacadda u ah Abuu Mansuur Roobow.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa dhawaan sheegay inay soo dhaweynayan Abuu Mansuur, madaama uu garowsaday inaanu ka sii mid ahaan Al Shabaab.

Share Your Comments