Somalia :Diyaaradaha Mareykanka oo duqeeyay duleedka Muqdisho

50

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa la sheegay inay duqeyn ka geysteen meel ku dhow gobolka Banaadir, waxaana shaaciyay howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa.

Taliska howlgalka Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in diyaarahooda dagaalka iyaga oo beegsanaya Al Shabaab inay duqeyn ka geysteen meel ku dhow magaalada Muqdisho.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta ay dhacday subaxnimadii shalay oo Khamiis aheyd, islamarkaana lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al Shabaab.

“Maanta labo duqeyn ayaa ka dhacday meel u dhow gobolka Banaadir ee koonfurta Soomaaliya, waxaana wali wadnaa baaritaano ku aadan duqeyntaasi iyo Khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.

Taliska Africom ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan ka dib ay xaqiijin doonaan khasaaraha ka dhashay duqeynta ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho, ilaa iyo haddana si rasmi ah uma shaacin goobta ay duqeeyeen.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay  Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.
Duqeyn diyaaradeed

Comments