Somalia :Dab khasaaro geystay oo ka kacay suuqa weyn Gaarisa [Sawirro]

0
6

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaarisa ayaa sheegaya inuu dab ka kacay Suuqa magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

Lama oga waxyaabaha ka dambeeyay dabka ka kacay suuqa magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, balse olole doorasho oo ay ku lala adkaadeen musharaxiniin ka tirsan labo xisbi ayaa ka dhacday magaaladaasi.

Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan xisbiga talada Haya ayaa markale ka guuleystay Faarax Macalin Dawaare oo ka tirsan xisbiga NASA ee Raila Odinga, waxaana laga soo doortaa magaalada Gaarisa.

Doorashooyinka Kenya ayaa sababay rabshado ay dhigayaan taageerayaasha mucaaradka, waxaana lala yaabay markii musharixiin ka tirsan xisbiga NASA oo ahaa kuwa ugu cad cad laga guuleystay.

Lama oga waxyaabaha sababay in dabka uu ka kaco suuqa magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, waxaana lagu guuleystay markii dambe in la damiyaa dabka.

Saacado badan ayay qaadatay in la damiyo dabka ka kacay suuqa magaalada Gaarisa, wuxuuna gaaray goobo badan oo Ganacsi ah, iyadoo hal ruux loo malaynayo inuu ku geeriyooday dabka.

Hoos ka daawo sawirada

Share Your Comments