Somalia :Wasiirka arimaha dibadda oo mooshin cusub laga gudbiyay

88

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin cusub oo ka dhan ah wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Yuusuf Garaad ayaa ahaa tafaftirihii BBC-da wuxuuna muddo badan ku dhex jiray arimaha saxaafadda, isaga markii dambe u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, walow uusan guuleysan.

Muddooyinkii dambe wuxuu ka agdhawaa siyaasadda, waxaana markii dambe wasiirka arimaha dibadda u magacaabay Xasan Cali Kheyre, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

12 Xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa diyaariyay mooshinka ka dhanka ah wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, waxayna u gudbiyeen guddoonka sare ee baarlamaanka.

Mooshinkaasi ayaa ku saleysay qaabka shaqaaleysiinta shaqaalaha wasaarada arimaha dibadda, waxaana uu salka ku hayaa nidaamka awood qeybsiga dalka ee 4.5.

Sidoo kale waxaa lagu heystaa dirista diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradaha dalka dibadiisa ku yaala.

Comments