Somalia :Golaha shacabka oo ansixiyay sharciga isgaarsiinka dalka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta meel mariyay sharciga Isgaarsiinta dalka, kadib kulankii Xubnaha Baarlamaanka ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa soo xaadiray 159 Xildhibaan, waxaana kulanka shir Gudoominaayay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Cabdi Wali Sheekh Axmed Muudey.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlbiyad leh ku ansixiyay Sharcigaan, kadib markii 158 Xildhibaan ay ogolaatay hal Xildhibaan kaliya ayaana ka aamusay.

 Codeynta ayaa waxa ay aheyd qaab gacan taag, waxaana sharciga inuu ansax yahay ku dhawaaqay Cabdi Wali Sheekh Axmed Muudey, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka.
 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.