Somalia :Maxaa dagaalada kusoo celceliyay magaalada Marko ?

Magaalada Marko oo xarun u ah gobolka Shabeelaha Hoose lama mid ahan magaalooyinka kale ee xarumaha u ah gobolada dalka Soomaaliya, sababtoo ah waxaa kusoo laalaabtay dagaalo beeleed badan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in xalay dagaalo xoogan ay ka dhaceen degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna sababeen waxyeelo soo gaartay dhinacyada dagaalamaya.

Dagaaladaasi ayaa xalay ka dhacay xaafadada Buulo Jaan, Buufow iyo Ayuub, waxaase ka horeeyay dagaalo kale oo todobaadkii hore ka dhacay una dhaxeeyay ciidamo maleeshiyo beeleed ah.

Sababaha keenaya soo laalaabashada dagaalada degmada Marko ayaa loo aaneeyaa iyadoo la dayacay degmadaasi iyo dagaalka u dhaxeeyo labo beeleed oo wada daga Shabeelaha Hoose oo aan wax rasmi ah laga qaban.

Beelaha Habargedir iyo Biyomaal ayaa inta badan ku dagaalama gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dhextaala colaad aan xal rasmi ah laga gaari.

Kaliya degmada Marko kuma dagaalamaan beelahaasi oo marar badan ayay ku dagaalameen deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana loo baahan yahay in xal rasmi ah la kala dhex dhigaa beelaha dagaalamaya.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa ka gaabiyay xal u helida dagaalada labada maleeshiyo beeleed  u dhaxeeyo, waxaana magaalada Marko ay noqotay magaalada sii burbureyso halkii ay kasoo kabsan laheyd.

Warar kale ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dagaalamaya ay hub ka kala helaan ciidamada AMISOM, walow AMISOM ay horey u beenisay inay kala taageero maleeshiyaadka halkaasi ku dagaalamaya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.