Somalia :Baarlamaanka Soomaaliya oo cafiyay wasiirka Dastuurka dalka

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana ay kaga hadleen arimo dhowr ah.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa markii ay tageen xarunta golaha shacabka waxay su’aalo weydiiyeen wasiirka dastuurka dalka C/raxmaan Xoosh Jabriil oo maalmahaan ay doon doonayeen.

Inta xildhibaanada baarlamaanka aysan weydiin wasiirka Su’aalo badan ayaa waxaa goobta ka hadlay C/raxmaan Xoosh Jabriil wasiirka dastuurka dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka dalbaday baarlamaanka inay ka cafiyaan qaladkii uu sheegay inuu galay, waxaana isla goobta uu ku sheegay inuu badalay bartiisii Twitter-ka.

Xildhibaanada ayaa aqbalay dalabka wasiirka, waxaana Xoosh uu sheegay inuu qirsan yahay gefka uu ka galay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii wasiiro ka tirsan xukuumadda oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankooda mahadcelin u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka, waxayna si wadajir ah kaga raaligeliyeen qaladkii uu galay wasiir C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.