Somalia :Mareykanka oo xaqiijiyay geeriday guddoomiyihii Al-shabaab ee Banaadir

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay manta oo Jimco ah in duqeyn ay ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen guddoomiyihii Al-shabaab ee gobolka Banaaidr.

Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ali Maxamed Jabal, uu ka dambeeyay weeraro badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horaantii bishaan ansixiyay kordhinta weerarada meletari ee ka dhanka ah Alshabaab, oo ay ku jiraan in weeraro ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka fulin karaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in 30 ki July ciidamada gaarka ee Mareykanka iyo ciidamada dowladda inay dileen Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaan Ali Jabal, waxaana qoraalka lagu sheegay inuu qorsheeyay dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday meel ku dhow magaalada Tooratoorow oo Alshabaab ay ku xoogan yihiin, waxaana ka qeyb qaatan ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo la xaqiijiyay inaysan rayid ku dhiman.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.