Somalia :Madaxweyne Farmaajo oo soo dhexgalay khilaafka Baarlamaanka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socdo kulamo kala duwan oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka cusub ee keenay in mooshin laga diyaariyo xil heynta wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, uu soo fara geliyay arinta khilaafka ee ka dhalatay wasiirka dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay kulamo kala duwan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo arimahaan ay kala hadleen, waxaana madaxweynaha uu dalbaday in xildhibaaanada ay xaalada dajiyaan.

Qodobka hada lagu heysto ama sharci ahaan u qabanaya Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ah qodobka 69-aad faqradiisa C oo dhigaya u yeerida Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirada, Gudoomiyeyaasha Guddiyada Qaranka iyo xafiisyada madaxa banaan, masuul kasta oo u hoggaan sami waaya u yeerida wuxuu Golaha shacabka awood u leeyahay in uu dib u eegis ku sameeyo xilkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay xildhibaanada in uu u sheegay in ay ka laabtaan Mooshinkaas, maadaama xukuumada Khayre ay jirto mudo ku siman Afar bilood, horma kala duwana uu socdo, hadii Baarlamaanka ay xilka ka qaadaan Wasiir Xoosh, taasi ay niyad jab ku keeneyso xukuumadda.

Lama garanayo hadii xildhibaanada wada ololaha ka dhanka ah Wasiir Xoosh ay ku adkeysteen in ay la xisaabtamayaan Wasiirka Dastuurka, isla xisaabtankaas oo ay u marayaan wado sax ah

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.