Somalia :Mucaaradka Uganda oo dalbaday in ciidamadooda laga saaro Soomaaliya

Hogaamiyaha Madasha xisbiyada mucaaradka ee dalka Uganda Maj Gen Mugisha Muntu ayaa ka dalbaday dowladda Uganda inay ka saarto ciidamadeeda dalka Soomaaliya, kadib weeraradii ugu dambeeyay oo ciidamada Uganda ay kala kulmeen Al-shabaab.

12 kamid ah ciidamada dowladda Uganda ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen kadib weerar ka dhacay Shabeelaha Hoose oo Al-shabaab ay la eegteen ciidamada dowladda Uganda ee kusugan gobolkaasi.

Isaga oo wariyaasha kula hadlayay xarunta xisbiga ayuu Mugisha sheegay in dowladda Uganda ciidamadeeda ay ku sugan yihiin Soomaaliya waqti badan, wuxuuna sheegay in dalalka kale ee Africa inay badalaan ciidamadooda oo laga saaro Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in askarta ku dhimatay weerarka iyo kuwa dhaawac la keenay magaalada Muqdisho, si kuwa dhaawac ah loogu baxnaaniyo magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka tirsan guutada 7 ayaa weerar kala kulmay Alshabaab, xili ay ku sugnaayeen deegaan ku yaala Shabeelaha Hoose oo 140 Km koofur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo mucaaradka dalka Uganda oo mideysan dowladda dalkaasi ay ka codsadaan inay ciidamadooda kala baxaan dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin  tan iyo sanadkii 2007.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.