Somalia :Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Shabeelaha Hoose

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegtay inay duqeyn kaga geysteen gobolka Shabeelaha Hoose, Isniintii shalay kaasi oo ay ku dileen xubno ka tirsan Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay dhankeeda sheegtay in amarka duqeyntaasi uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dowladda ay sheegtay inay aaminsan tahay in sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay duqeyntaasi.

Qoraalka kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeynta ay Sabtidii ka dhacday meel ku dhow deegaanka Toorotoorow oo Shabeelaha Hoose ka tirsan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horaantii sanadkaan kordhiyay howlgalka ciidamada Mareykanka ee ka dhanka Alshabaab, isagoo u kordhiyay inay weeraro ka geysan karaan koofurta Soomaaliya iyo goobaha Alshabaab ku xoogan yihiin.

Al-shabaab ayaa sanadkaan noqday kooxda weerarada dhimashada badan geysta ka fuliyay wadamada Bariga Africa, waana kooxda ugu awooda badan eek a dagaalanka bariga Africa marka laga yimaado Daacish.

Qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayuu dhankiisa ku sheegay in duqeyntaasi ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab.

“Shaqsiyaadka waxay qeyb ka ahaayeen shabakada Alshabaab ee masuulka ka ah qorsheynta, dilalka iyo qaraxyo badan oo ka dhacay dalka Soomaaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho”sidaasi ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in hal gantaal uu ku dhacay gaari ay la socdeen xubno ka tirsan Alshabaab oo ku safrayay Shabeelaha Hoose,laakiin saraakiisha ayaa sheegay inay socdaan baaritaanka khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.