Somalia : Dowladda Masar oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Masar ayaa si weyn u cambaareysay weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ay ka dambeeyeen waxay ugu yeertay argagixisada.

Maalintii Axadda ee lasoo dhaafay saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Sacuudiga ayaa la dilay lix kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii kooxo hubeysay ay ku weerareen gaadiidkooda gobolka dhanka bari ee Qatif ee dalka Sacuudiga.

Weerar ayaa isla maalintaasi ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasi oo ugu yaraan 7 ruux ay ku dhimatay kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.

Weerarka ayaa loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Masar ayaa lagu sheegay inay cambaareynayaan weeraradaasi ayna ka xun yihiin waxyeelada shacabka Muqdisho soo gaartay.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay inay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya ayna ka caawin doonaan la dagaalanka Al-shabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.