Somalia :Wasiirka Amniga & Xildhibaano gaaray magaalada Jowhar

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga Qaranka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Magaaladaasi waxaa ku sugan odayaal dhaqameed matalaya beelo ku dagaalamay deegaano hoostago degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxamed Abuukar Islow, wasiirka amniga Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka  Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa wafdiga maanta tagay magaalada Jowhar, waxaana kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka HirShabelle iyo xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.