Somalia : Wararkii u dambeeyay weeraro ka dhacay Shabeelaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Al-shabaab shalay ku qaadeen saldhiga ciidamada AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab, ayaa shalay sheegay in ku dhawaad 39 askari ay ka dileen ciidamada AMISOM ee ku sugan Shabeelaha Hoose, waxaana arintaasi ka hadlay taliska ciidamada AMISOM.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Nuur ayaa sheegay inay gacantooda ku qaadeen meydka 23 askari oo AMISOM iyo Soomaali ah.

Al-shabaab dhankooda waxay sheegeen in tirada askarta ay dileen inay intasi ka badan tahay, waxaase beeniyay taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Afhayeenka Alshabaab wuxuu dhankiisa sheegay inau dul istaageen meydadka 39 askari oo kamid ah ciidamada AMISOM.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.