Somalia : Alshabaab oo qorsheynaya weerarada 7 gobol oo horleh

Warbixin sirdoon oo la helay ayaa sheegeysa in Alshabaab ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah 7 gobol oo ku yaala dalka Kenya, sida sirdoonka ay sheegeen.

Taliyaha Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen warbixin sirdoon taasi oo muujineysa in Alshabaab qorsheynayaan weeraro ka dhan ah shacabka dalkaasi.

Taliyaha wuxuu sheegay in Alshabaab ay qorsheynayaan inay weeraraan deegaanada kala ah Mandera, Wajir, Garissa, Lamu, Tana River, Kilifi iyo Mombasa oo dhamaantood Soohdin la leh dalka Soomaaliya.

Arintaasi ayaana keentay baqdinta ugu badan oo Kenya ay ka qabto inay weeraraan Alshabaab inta ay socdaan doorashooyinka dalkaasi.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay weerarada Shabaab inay qorsheeyeen maalmaha soo socda, maadaama 8-da Bisha soo socota ay dhaceyso doorashada maantana Bisha July ay tahay 31.

Alshabaab oo qatar ku ah amaanka dalkaasi ayaa digniin siiyay shacabka Kenya oo aheyd inaysan ka qeyb galin doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya dalka Kenya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.