Somalia : Dhacdooyinka xanuunka leh ee ka dhashay Qaraxii Shalay

Qaraxyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa sababa waxyeelooyin mahadho ah oo dadka xasuustaan inta badan.

Hooyo Soomaaliyeed oo ay isla socdaan Qabadheeda oo dhawaan kasoo laabatay qurbaha ayaa waxyeelo xanuun badan waxay kasoo gaartay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hooyada iyo Gabadheeda ayaa kusii jeeday mid kamid ah suuqyada magaalada Muqdisho si ay kaga soo adeegtaan,balse waxaa soo gaaray dhaawac xanuun badan.

Qaar kamid ah eheledooda ayaa inoo sheegay in hooyada ay ka gubatay wajiga oo idil halka gabadha uu dabka qabsaday, waxaana muuqaalo laga duubay ay muujinayaan in indhaha dhan ay qarsoomeen.

Gabadha ayaa beri oo Talaado ah ku qorneyd diyaarad ay dib ugu laaban laheyd mid kamid ah wadamada Yurub oo markii hore ay ka timid.

Sidoo kale dad kale oo shacab ahaa oo saarnaa mootada loo yaqaan Bajaajta ayaa waxaa soo gaaray waxyeelada ugu daran, kadib markii qaarkood si daran ay u gubteen.

Maka Al Mukaram
Maka Al Mukaram

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.