Somalia :Maalmihii wacnaa ee magaalada Muqdisho [Warbixin]

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxay leedahay cadow badan oo qaarkood ku farxa dhibaatooyinkii ka dhici jiray, balse maalmahaan xaalka sidaa maahan.

Caasimadda Soomaaliya waxay 30 kii maalin ee lasoo dhaafay ay ka nasatay dhawaqa qaraxyo xoogan oo rajo beel ku ridayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo caalamkaba.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dad badan aysan aqoon markii xilka loo magacaabayay ayaa la yimid fikrad cusub oo lagu sugayo amaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shalay booqday xarun ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa la magac baxay xasilinta caasimadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay ka shaqeeyeen inay nabad ku hoydaan shacabka Soomaaliyeed ee kus ugan magaalada Muqdisho.

Wuxuu ciidamada ku amaanay sidii ay ugu dhabar adeegeen inay ka dhabeeyaan qorshaha ay lahaayeen oo ahaa inay xasiliyaan caasimadda Soomaaliya, isagoo sheegay in caasimadda muddo bil ah wax qarax ah uusan ka dhicin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka wada sugayaan inay xaqiijiyaan amaanka guud ahaan ee dalka Soomaaliya, dhankoodana ay ku dadaali doonaan.

Caasimadda Soomaaliya ayaa haatan ku jiro jawi ka duwan sidii hore oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhici jireen.

Muqadisho
Muqadisho

Muqadisho

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.