Somalia :Dowladda oo xirtay Sawirqaade Mukhtaar Nuur [Sabab]

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay Mukhtaar Nuur oo si weyn looga yaqaano baraha Bulshada ee Socail Media-yaha.

Mukhtaar Nuur ayaa ku caanbaxay sawirada laga qaado goobaha bilicda leh ee magaalada Muqdisho, isaga oo soo bandhigay horumarka caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in la dhigay xabsiga ciidamada NISA uuna ku xiran yahay muddo shan maalin ah.

Qaar kamid ah wariyaasha iyo bahda la dhacsaneyd sawirada qurxoon ee uu soo bandhigayay Mukhtaar Nuur ayaa dowladda ka codsaday inay sii deyso Mukhtaar.

Mukhtaar, ayaa la sheegay in xiliyaddii u dambeeyay uu la shaqeynayay safaarada Imaaraatka ee dalka Soomaaliya, lama oga sababta loo xiray ilaa iyo hadda.

Wuxuu heystaa Diyaarad Drone ah oo loo adeegsado sawirada dusha sare laga qaado.

Mukhtaar Nuur
Mukhtaar Nuur

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.