Somalia :Ra’iisul wasaaraha dalka oo ka qeyb galay ollole nadaafadeed [Sawiro]

Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa ka qeyb galay olole nadaafadeed oo laga sameeyay magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre, ayaa ka qeyb galay munaasabadda oo lagu qabtay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan ololaha nadaafadeed ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale ka qeyb galay olalaha nadaafadeed.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.