Somalia :Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoomiyay shirka amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir guddoomiyay kulanka amniga oo ka dhacay magaalada Muqdisho maalintii shalay.

Madaxwayne Farmaajo ayaa arrinkaan u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Taliye Saacid oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Kormeerka kaddib waxaa si wada jir ah ula hadlay warbaahinta talis-yada Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milatariga oo ku tilmaamay dhacdadaan mid fool xun oo laga xumaado, iyaga oo xaqiijiyey in gacanta lagu hayo dhammaan dadkii ku lug lahaa falkan.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka ah Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sahilka dhacay uusan saamayn ku yeelan doonin howl-galladii lagu xasilinaayey magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidankooda.

Taliyaha Booliska Jeneraal Saacid waxa uu sheegay in Boolisku ay haatan baaraayaan sida ay wax u dhaceen iyo cidda ku lug leh.

Waxa uuna intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan ay usoo gudbinaayaan Natiijada baaritaanka iyo in caddaaladda la hor keeni doono dhammaan dambiilayaasha kiiskaan.

Taliyaha Nabad sugidda Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa waxa uu sheegay in hada ay xiran yihiin Ciidamadii ka dambeeyay dhacdooyinkii shalay, baaritaano-na ay ku socdaan.

President Farmajo

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.